YEMAN: XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB MARAYEY BADDA CAS.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA BADDA XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB CAAWA OO AXAD AH BIYAHA BADDA CAS.
(SANA’A-YEMAN)-DEG DEG: Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiintu ey Fiidnimada Axad ku dhawaaqeen iney fuliyeen hawgalkii ugu horeeyey ee ka dhanka ah Markab isku dayey inuu jebiyo “Mamnuucidda Markabta” ku wajaha dekedaha ey maamusho Isra’iil. Ku-xigeenka afahyeenka Mileteriga ee kooxda Xuutiynta Cabdallah Caamir ayaa mareegta “X” ee horay loogu yaqiinay Twitter-ka ku sheegay in fiidnimadii caawa in Markab ku socday Badda Cas loo sheegay inuu istaago balse uusan ka jawaabin…sidaas darteedna waxaa la qaaday talaabadii ku habooneed taaso markabkii ku qasabtay inuu dib u gurto.
ISHA/ARAB.