AGAASIMAHA WHO OO KA HADLAY DHIBAATADA GAZA.

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA WHO TEDROS.

(UN)-KA,Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(WHO) Tedros Adhamon Ghebreyesus ayaa maanta oo Axad ah xaqiijiyey in ka badan 449-weerar lagu qaaday goobaha bixiyo adeegyada Caafimaadka ee ku kala yaalo Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed tan iyo todobadii bishii Oktoobar,waxaane macquul ahayn ayuu Tedros in shaqaalaha Caafimaadka ka sii hawlgalaan goobahaas. Agaasime Tedros oo ka hadlaayey kulan gaar ah ey isugu yimaadeen gudiga fulinta ee Urur Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ku saabsanay xaaladda caafimaad ee dhulka Falastiin ee la haysto, Tedros ayaa ku nuuxnuuxsaday musiibadda ah ee iska horimaadyadu ku leeyihiin xaaladda Caafimaad ee Marinka Gaza,sidaas waxaa ku soo warantay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu. Waxaa lagu soo waramayaa in ka badan 17-kun qofood iney ku dhinteen dagaaka Gaza oo ey ku jiraan 7-kun oo caruur ah mana la garanaayo inta ku hoos duugan burburka guryaha. Isla dagaalka Gaza ayaa waxaa ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 46-kun oo qofood,waxaane Marinka Gaza ka barakacay 1.9-Milyan oo qofood,dad reer Gaza ayaa raadinaayo hooy ey ku noolaadaan kagana gambadaan duqeymaha Isra’iil.

ISHA/MEMO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WAKIILO QARAMADA MIDOOBE OO BOOQDAY…

Next
Next

YEMAN: XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB MARAYEY BADDA CAS.