WAKIILO QARAMADA MIDOOBE OO BOOQDAY…

(SAWIRKA)-SAFIIRKA SHIINAHA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Wakiiladda Golaha Amaanka ee Qarada Midoobe ayaa ka hadlay dhibaatada aan la qiyaasi karin,waxayne ku booriyeen in la soo afjaro dagaalka Marinka Gaza maanta oo Isniin ah iyagoo booqday dhinaca Masar ee Isgoyska Rafax oo ah meesha kaliyah ey dhulka Falastiin ka galaan gargaarka,sidaas waxaa ku soo warantay Wakaaladda Wararka Reutes. Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobe Zhang Jun ayaa saxafiyiinta waxa uu weydiiyey haddii uu fariin u hayo wadamadda ka soo horjeedo Xabad-joojinta Gaza,waxa uu si fudud u yiri”Waxa ku filan tahay”. Wadamadda Xubnaha ka ah Qaramada Midoobe ayaa taageeray Xabad-Joojin deg deg ah oo waarta oo dhexmarta Isra’iil iyo Xarakada Xamaas ee maamusha Marinka Gaza. Warbixinta maalinlaha ah ey soo saarto Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegayso maanta oo Isniin ah sidaan: Tirada dhimashada guud ee marinka Gaza 17,450-qofood, Tirada caruurta dhimatay 7112-cunug, Tirada Dumar dhinatay 4885-haween, Tirada Qoysaska dhintay 1550-qoys, Tirada dadka dhaawaca ah 4,3616-qofood, Tirada dadka la la’ayahay 7,600-qofood.

ISHA/MEMO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO ISTICMAASHAY FOOSFARASTA CAD.

Next
Next

AGAASIMAHA WHO OO KA HADLAY DHIBAATADA GAZA.