MIDAWGA YURUB OO FADHI KA YEELAN DOONO ARRINTA GAZA.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA MIDAWGA YURUB CHARLES MICHEL.

(REUTERS)-Axad 10/12/23-ka,Reysal Wasaarayaasha dalalka Isbeyn,Biljam,Irland iyo Malta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Golaha Midawga Yurub Charles Michel in Midawga Yurub uu mawqif cad ka qaato xaaladda Marinka Gaza iyagoo si wadajir ah u sheegaayo iney wadajir u go’aansan doonaan,masuuliyiinta ayaa sidoo kale ku booriyey iney lagama maarmaan tahay in la qeexo oo lagu darro fadhiga dooda ku saabsan mawqifka Midawga Yurub ee dagaalka Marinka Gaza. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Xafiiska Reysal Wasaaraha dalka Isbeyn lana hadlay warbaahinta,fariintaan ayaa sameyn ku yeelatay daahfurka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres hindisaha lagu doonaayo in xal deg deg ah loogu helo musiibadda bani’adanimo ee ka taagan Marinka Gaza,ka dib markii uu ku dhawaaqay ugu dambayntii Arbacadii markii ugu horeysay muddo toban sano ah ayaa la hawlgeliyey Qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobe si loogu qeexo xaaladda Marinka Gaza iyo Isra’iil iney tahay mid “Khatar ku ah Nabada iyo Amaanka Caalamka”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

YEMAN: XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB MARAYEY BADDA CAS.

Next
Next

HANJABAADA ISRA’IIL WAX MAKA BEDELI DOONTAA ARRINTA BADDA CAS?