YEMAN: XUUTIYIINTA OO AFDUUBAY MARKAB…

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Xuutiyiintu ey Xoog ku qabsadeen Markab Xamuul gudaha Badda Cas halka ey maraan Maraakiibta sida Shidaalka ee marta Marinkaasi ku yaalo Badda Cas,Xuutiyiinta ayaa la sheegay in Markab la qabsaday lagala degay shaqaale dhan 25-shaqaale loona hasyto Maxabiis ahaan. Masuuliyiin heer caalami ah ayaa sheegay iney korortay cabsi ka duwan midii horay u jirtay taaso ahayd Burcad Badeed laakinse hadda Xuutiyiinta Yeman ayaa arrimahaan u sameynaayo dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil. Dhinaca kale,Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay iney gacanta ku dhigi doonaan Maraakiibta xiriirka la leh Isra’iil ee isku daya’a iney Badda Cas soo maraan.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DOOXA: XAMAAS IYO URURKA BISHA CAS OO KULMAYA.

Next
Next

QADAR OO WADA HAWLGAL LAGU SII DEYNAYO…