DOOXA: XAMAAS IYO URURKA BISHA CAS OO KULMAYA.

(SAWIRKA)-MADAX XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS ISMAACIIL HANIYAH.

(DOHA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Ururka Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ey maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in Madaxeynaha Ururka ey u safri doonto dalka Qadar si ey halkaasi ugula kulanto Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniyah,labada masuul waxa ey ka wada hadli doonaan arrimo la xiriiro sidii wax muuqda looga qaban lahaay xaaladda Bani’adanimo ee ka jirta goobaha uu saameeyey dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ee weli ka socdo Marinka Gaza. Gudiga Caaamiga ah ee Laanqeerta Cas qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Ururka Mirijana Spotlijaric ey la kulmi doonto Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Qadar.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WAA INTEE DHIMASHADA CARUURTA GAZA?

Next
Next

YEMAN: XUUTIYIINTA OO AFDUUBAY MARKAB…