QADAR OO WADA HAWLGAL LAGU SII DEYNAYO…
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMHA DIBADDA QADAR.
(DOHA)-Wada xaajoodkii la doonaayey in lagu sii daayo tobaneeyo qofood oo reer Isra’iil ah oo la haystayaal ah kuna jira gacanta Xarakadda Xamaas ee gudaha Marinka Gaza ayaa lagu wada iney dib u soo cusbooaadaan,dadkaan la haysatayaasha ah ayaa la rabaa iney dib ula midoobaan eheladooda marka ey soo dhammaadan wada hadaladda,arrintaan ayaa muujinaysa inuu jiro horumar aan badnayn ka dib markii uu galay hakad muddo dhawr maalmood ah, waxaane wargayska AXIOS arrintaan u xaqiijiyey seddex ilood oo si toos ah u ogaan kara arrimaha Gaza. Yaxya Sinwar oo ah hogaamiyaha Xarakadda Xamaas ee Marinka Gaza ayaa in muddo ah waxa uu ka aamusnaay arrinta sii deynta Maxaabiista mana jirin wax xiriir ah uu la sameeyey hogaamiyeyaasha Xarakada kuna sugan dibadda Gaza sababta oo ah in Sinwar uu ka carooday weerarkii ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen Isbitaalka ALshifa’a todobaadkii hore,taas ayaa keentay in la hakiyo wada hadaladda Xarakada Xamaas iyo Isra’iil laakinse 24-saac ee la soo dhaafay Yaxye Sinwar ayaa bilaabay inuu dib xiriir ula sameeyo hogaamiyeyaasha Xarakada Xamaas kuna sugan dibadda Marinka Gaza.
ISHA/AXIOS.