YEMAN OO YEELATAY REYSAL WASAARE CUSUB.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA CUSUB EE DALKA YEMAN.

(CADAN-YEMAN)-Marka laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii oo ah waqtigii uu bilawday dagaalka Yeman ee u dhexeeyey kooxda Xuutiyiinta iyo Xukuumaddi Yeman ee uu hogaaminaayey MW-C/rabu Mansuur Haadi,Yeman waxa ey yeelatay laba maamul oo kala degan caasimadda Sanca oo maamulaan Xuutiyiinta iyo maglaada Cadan ey degan tahay Xukuumadda Yeman ee uu caalamku aqoonsan yahay. Xaaladda dalka Yeman waxa ey soo martay marba heer sideedii sano ee la soo dhaafay waxa eyna hadda taagan tahay meeshii ugu liidatay eysan abidkeed gaarin Yeman. Waxaa jiro Abaaro,Amni darro,Hoos u dhac dhaqaale iyo dhac joogta ah oo inta badan ka dhaca dhulka ey maamulaan Xuutiyiinta una badan Waqooyiga dalka Yeman. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu dhawaaqay in Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Yeman Axmed Bin Mubaarak loo magacaabay Reysal Wasaaraha dalka Yeman iyadoo la eegaayo isbedelada iyo dhibaatooyinka ka jira dalka Yeman,iyadoo weerarada Xuutiyiinta ka wadaan Badda Cas,xaaladda dhaqaale burburka ah iyo g’odoominta. Jihada siyaasadeed,in kastoo ey sii socoto xaaladda dagaal la’aanta iyo nabad la’aanta u dhexeyso dhinacyada isku haayo dalka Yeman tan iyo markii lagu dhawaaqay xabad joojinta Abriil-2022-kii. Galka lagu bedelaayo Reysal Wasaaraha ayaa ahaay mawduuc laga doodaayey muddo todobaadyo ah iyadoo Golaha Madaxtooyada Yeman uu qaatay Go’aan lagu bedelaayo,balse waxa la isku khilaafay bedelka xubnaha Madaxtooyada waxaane Axmed Bin Mubaarak horay loogu magacaabay Reysal Wasaare. Madaxweynihii hore ee Yeman Cabdurabu Mansuur Haadi ayaa taariikhdu markeey ahayd 7/10/2014-kii waxa uu Reysal Wasaare ka dhigay Axmed Bin Mubarak waxa eyna ku beegneed laba todobaad ka dib markii ey Xuutiyiintu la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Sanca,balse waqtigaas Axmed Bin Mubarak ayaa ka cudur daartay bixyeyne raaligelin,Axmed Bin Mubarak ayaa waqtigaas ahaay Agaasimaha xafiiska madaxtooyada Yeman.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TAHRIIBAYAASHA KU SUGAN LIIBIYA OO LA ADOONSADO.

Next
Next

WASIIR BLINKEN OO BOOQAN DOONO BARIGA DHEXE.