WASIIR BLINKEN OO BOOQAN DOONO BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA ANTHONY BLINKEN.

(QAHIRA)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dallka Maryakanka Anthony Blinken ayaa bilaabay socdaal cusub uu ku maraayo Gobolka Bariga dhexe,ujeedada safarka Blinken ayaa ah sidii heshiis nabadeed looga gaari lahaay dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil iyadoo dagaalku uu weli ka socdo koonfurta Marinka Gaza. Wasiir Blinken ayaa booqan doono dalalka Masar,Sacuudiga,Qadar iyo Isra’iil marka laga soo tago Daanta Galbeed ,waane safarkiisii shanaad uu Wasiir Blinken ku tago Gobolka Bariga dhexe marka laga soo bilaabo waqtigii uu dhacay weerarkii ey Xarakada Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii. Ujeedada booqashada Wasiir Blinken ee Gobolka Bariga dhexe ayaa ah in la sii wado wada xaajoodyada lagu gaaro in la sii deeyo la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas iyo in la gaaro xabad joojin si gargaarka bani’adanimo loo gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Gaza. Wasiir Blinken ayaa la filaa inuu ka hadlo Hindiso Xabad joojin ah oo la diyaariyey intii lagu guda jiray shir ey yeesheen saraakiil Maraykan,Masar,Qadar iyo Isra’iil ah kaaso ka dhacay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris bishii hore. Soo jeedinta cusub ee xabad joojinta ayaa qeexeysa joojinta bilawga ah ee dagaalka muddo lix bilood ah halka Xamaas ey sii deyneyso Maxaabiis Isra’iil ah kuwaaso ey ku bedelaneyso Maxaabiis reer Falastiin uuna ugu horeeyo ALBARGUTHI.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

YEMAN OO YEELATAY REYSAL WASAARE CUSUB.

Next
Next

WASIIR XAGJIR REER ISRA’IIL AH OO KA BAXSADAY ILAALADIISA.