WASIIR XAGJIR REER ISRA’IIL AH OO KA BAXSADAY ILAALADIISA.

(SAWIRKA)-WASIIR BIN GVIR EY GALBINAYAAN ILAALADIISA.

(QUDUS)-Warbaahinta lagu daabaco Afka Yahuuda ee Cibriga ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in ilaalada Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itmar Bin Gvir ey eryadeen Wasiirka si ey ugu qasbaan inuu soo raaco Gaarigiisa Gaashaaman si waafaqsan nidaamnka Ceymiska ka dib markii uu Wasiir Bin Gvir uu ku baxsaday gaari ey iska leeyihiin deriskiisa oo ah dadka la soo dejiyey dhulka Falastiin kuna yiilay Kiryat Arba oo ku taalo koonfurta Daanta Galbeed. Wargayska ka soo baxa Isra’iil ee HAARETZ ayaa yiri”Wasiirka Aminga Qaranka Isra’iil Itmar Bin Gvir ayaa dhawaan ka cararay ilaaladiisa wuxuuna kaxeystay gaari ey iska leeyihiin driskiisa isagoo ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalo degaanka Kiryat Arba ee ku wajahan magaaladda Qudus. Wargayska HAARETZ ayaa intaas raaciyey”Sida ila wareedyo badan laga soo xigtay ilaalada ayaa lagu qasbay iney Wasiirka ka daba tagaan dhawr kiilomitir ilaa ey u suurtagasho iney joojiyaan gaarigii uu ku soo baxsaday Wasiir Bin Gvir kuna qanciyaan Wasiirka inuu fuulo gaarigiisa Gaashaaman”.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WASIIR BLINKEN OO BOOQAN DOONO BARIGA DHEXE.

Next
Next

ANTHONY BLINKEN OO U SAFRI DOONO BARIGA DHEXE.