TAHRIIBAYAASHA KU SUGAN LIIBIYA OO LA ADOONSADO.
(SAWIRKA)-DAD KA YIMID WADAMADDA AFRIKA RABANA INEY KA TAHRIIBAAN DALKA LIIBIYA.
(LIBIYA)-Marka laga hadlaayo dalka Liibiya waxaa isla markiiba aan oo xusuusaneynaa haddii aan nahay Soomaali Ma Gefe iyo halaagii uu baday dadka Soomaaliyeed ee u gacangalay,in loo tahriibo Yurub lana soo maro dalka Liibiya waxay ahayd arrin Soomaalida oo dhan ey ogtahay balse Soomaalida ayaan waxba ka ogayn dhibaatooyinka soo gaaro dadyawga kale ee iyagana raba iney u tahriibaan Yurub ee sii mara dalka Liibiya. Dad kasoo kala jeedo Carab(Masar iyo Suuriya) iyo wadamadda Afrika ayaa ka hadlay xaaladda ka jirta dhulkii ey ka soo tahriibeen ee ahaay degaanada uu maamulo Generaalka Hawlgabka ah ee reer Liibiya Gen.Khaliifa Xaftar,ma rumaysaneysid Qisadaha ey ka sheekeeyeen dadkaan loola dhaqmay sidii iney yihiin Adoon la soo iibsaday oo kale,waxaa lagu dhistay dhismayaal,lama siin wax mushaar ah mana la siin cunto ku filan ey cunaan inta ey shaqeynaayeen,lama weydiin wax kale oo aan ka ahayn Mihnada ey yaqaanin si loogu shaqeysto,waxa ka sheekeyey dhibkii uu soo maray nin u dhashay dalka Suuriya laguna soo shaqeystay lagana soo faa’iideystay xoogiisa isaga oo aan la siin wax ijaar ah. Khaalid Marduum waa 50-jir u dhashay dalka Suuriya waxaane muddo sideed bilood ah lagu qasbay inuu ka shaqeeyo dib habaynta iyo dayactirka Waaxda Baarista ee magaaladda Qarnada oo ku taalo buuraha cagaaran ee Waqooyi Bari dalka Liibiya. Khaalid waxa uu ka mid ahaay 13-Muhaajiriin ah oo laga soo qabtay magaaladda Tobruk ee Waqooyi-bari dalka Liibiya,waxaane Khalid iyo kooxdii uu la socday loo soo daabulay magaaladda Qarnada ayagoo lagu soo qaaday baabur ey saaran yihiin ciidamo hubaysan,waxaa la keenay dhismo burbursan waxaane la weydiiyey iney yaqaaniin xirfado dhismo,baaritaan been ah ka dib Khaalid iyo kooxdii la socotay waa la hawlgeliyey waxa eyna dhismo ka bilaabeen Waaxda Baarista ee Qarnada.
ISHA/ARAB.