XUUTIYIINTA YEMAN OO KA HADLAY WEERARKII MAANTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA IYO INGIRIISKA.

(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah(3/2/24)-ka in caasimadda dalka Yeman ee Sanca oo ey gacanta ku hayaan Xuutiyinta ey duqeeyeen diyaadaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska,halka taliska dhexe ee ciidaamadda dalkaMaraykanka(CENTCOM) ee ku sugan Gobolka Bariga dhexe uu sheegay iney burburiyeen lix gentaal oo ah kuwa lidka Maraakiibta nuuca loo yaqaano Cruise-ka,gentaaladaan ayuu sheegay Maraykanka in loo diyaarinaayey in lagu waxyeeleeyo Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda ee ku sugan Badda Cas,halka Wakaaladda wararka ee Reuters ey tilmaantay in weerarka lagu bartilmaameedsaday 36-Goobood ey leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. War kooban uu soo saaray Tv-ga AL-Masirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman laguna daabacay barta(X) ayaa lagu yiri”Weerar Garadara ah oo ey Maraykanka iyo Ingiriiska ku qaadeen caasimadda Sanca,Tv-ga wax faallo ah kama bixin”. Goboladda la weeray maanta oo Sabti ah ayaa waxaa ka mid ah Caasimadda Sanca waxaane laga weeraray laba xero ciidan kuna yaalo Koonfurta Sanca lana kala yiraahdo Cadhaan iyo Nahdeyn waane xerooyin u gaar ah ciidamadda si gaar ah u tababaran loona yaqaano Boolisk Mileteriga, Gobolka Damaar,Gobolka Bayda iyo Gobolka Xajjah ayaa iyagana la weeraray,waxaane 11-weerar oo xiriir ah lala beegsaday Gobolka Ticis oo dhinaca ku haayo Badda Cas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

CIRAAQ OO BAROOR-DIIQ LOO SAMEYN DOONO DADKII KU DHINTA…

Next
Next

MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.