MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DHEXE EE MARAYKANKA.

(WASHINGTON-Taariikh-3/2/24-ka,Waqtiga(7:20)-fiidnimo waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman,Ciidamadda Dhexe ee dalka Maraykanka(CENTCOM) ayaa qaaday weeraro is difaacid ah weeraradaso ka dhan ah Goobo ey yaaliin Lix Gentaal ey iska leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman, Gentaaladaasi ayaa loo diyaarinaayey in lagu rido Maraakiibta ku sugan badda Cas. Ciidamadda dalka Maraykanka ayaa aqoonsaday Gentaaladda iney yihiin nuuca loo yaqaano Cruise ee ku sugan Goobaha ey ka taliyaan Xuutiyiinta dalka Yeman,waxaane la go’aamiyey in Gentaaladaasi yihiin Khatar ku soo fool leh Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Badda Cas.Talaabadaan ayuu Maraykanku ku sheegay iney ilaalin doonto Xuriyadda socodka waxayna ka dhigi doontaa biyaha caalamiga ah kuwa amaan ah eyna si nabad ah ku mari karaan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Gobollka Bariga dhexe.

ISHA/CENTCO

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMAN OO KA HADLAY WEERARKII MAANTA.

Next
Next

MARAYKANKA OO WEERARAY GOOBO KU YAALO CIRAAQ IYO SUURIYA.