CIRAAQ OO BAROOR-DIIQ LOO SAMEYN DOONO DADKII KU DHINTA…

(SAWIRKA)-CALANKA DALKA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Md.Maxamed AL-sudani ayaa amar ku bixiyey maanta oo Sabti ah seddex maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynaayo Askartii iyo dadkii rayidka ahaay ee ku geeriyooday duqeyntii Maraykanka uu ka gaystay dalka Ciraaq,sidaas waxaa sheegatay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Ciraaq ee INA. “Reysal Wasaare AL-sudani waxa uu ku dhawaaqay baroor-diiq guud oo socon doonto muddo dhan seddex maamlmood ah guud ahaan Waaxyaha iyo Hayadaha dawladda si loo xuso shuhadada ciidamada qalabka sida iyo dadkii rayidka ahaay ee ku naf waayey duqeymaha uu Maraykanka ka gaystay degaanada Cakaashaha iyo Alqaa’im ee dhaca Galbeedka Gobolka Anbaar”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Reysal Wasaaraha. Iyadoo la diidan yahay duqeynta gardarada ah ee Maraykanku la beegsaday ciidamadda Ciraaq iyo dad rayid ayaa waxaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ciraaq waxa ey u yeeri doontaa sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee dalka Ciraaq ee fadhigiisu yahay caasimadda Baqdaad, David Burger”,sidaas waxaa ilo diblomaasi ka soo xigatay INA. Maraykanka ayaa Jimcihii shalay waxa uu weerar dhinaca cirka ah ku qaaday Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IRGC) ciidanka Qudus iyo maleeshiyaad ey taageerto Iraan kuna kala sugan dalalka Ciraaq iyo Suriya ka dib markii weerar ismiidaamin ah lagu dilay seddex askeri oo Maraykan ah laguna dhaawacay in ka badan afartan kale gudaha dalka Urdun.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

RUUSHKA OO DALBADAY KULAN DEG DEG AH.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO KA HADLAY WEERARKII MAANTA.