RUUSHKA OO DALBADAY KULAN DEG DEG AH.
(SAWIRKA)-MARIA ZAKHAROVA.
(MOSCOW)-Dalka Ruushka ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu cambaareeyey weerarada uu Maraykanka ku qaaday dalalka Ciraaq iyo Suriya,waxa uuna dalka Ruushka dalbaday in kulan ey isugu yimaadaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe si looga hadlo arrintaas dhacday. Maraykanka ayaa mar kale soo bandhigay nuxurkiisa gardarada ah iyo diidmada sharciga caalamiga ah ayey tiri Mariya Zakharova oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ruushka. Mariya Zakharova ayaa sheegtay in weerarka Maraykanka uu horseeday burbur soo gaaray kaabayaashii dadka rayidka ah iyo waxyeelo soo gaartay dadka caadiga ah.
ISHA/AA.