YEMAN: GOBOLADDA SACDA IYO XUDEYDA OO CAAWA LA WEERARAY.
(SAWIRKA)-MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO MAR KALE WEERARAY YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ey weerar ku qaadeen goobo lagu tuhmaayo iney yaaliin Gentaalo ey iska leeyahiin Xuuutiyiinta dalka Yeman. Tv-ga AL-Masiirah ee taabacsan Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay isaga oo soo xiganaayo ciidamadda Yeman “Diyaaradaha Gardarada ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa 15-weerar ku qaaday Goboladda Sacda iyo Xudeyda”fiidnimadii caawa oo Axad ah(4/2/24)-ka. Ilaha Mileteri ayaa intaas raaciyey”Weerar Gardaro ah ey gaysteen diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska fiidnimadii caawa,weerarada caawa dhacay ayaa gaaraayo ilaa sideed weerarar kuwaaso lala beegsaday degaanka Raas Ciise,seddex weeraar waxa ey ka dheceen degaano kala duwan sida AL-Zeydiyah ee Gobolka Xudeyda”. Ciidamadda Yeman ayaa sheegay “Afar weerar oo garadara ah ayey diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska waxa ey ku qaadeen Bariga Gobolka Sacda”.
ISHA/ARAB-21.