XUUTIYIINTA OO BILAABAY INEY TARXIILAAN HAYA..
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan ey soo saareen amarkii ugu dambeeyey kuna socdo wakiilka sare Xuquuqul Insaanka waxa eyna ka dalbadeen iney xiraan xaruntooda ku taalo magaaladda Caasimadda ah ee Sanca muddo seddex maalmood ah. Talaabadaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo lagu jiro qaabka ololaha balaaran ey wadaan Xuuutiyiinta ka socdo Yeman kaaso lagu beegsanaayo Hayadaha Caalamiga ah iyo Bani’adanimadda ee ka shaqeeya goobaha ey Xuutiyiinta gacanta ku hayaan. Maalmo ka hor ayey ahayd markii Xuutiyiinta ey soo saareen go’aano cusub oo ku qasbaayo Hayadaha ka hawlgala degaanadd ey ka taliyaan iney Xuutiyiinta ku wareejiyaan qaab dhsimeedkooda shaqo iyo iney soo gudbiyaan liiska magacyadda shaqaalahooda iyo sharaxaada shaqadda ey qabtaan,waxaane sidoo kale looga baahan yahay iney helaan ogolaansho ka hor magacaabista cusub. Bilihii la soo dhaafay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa qafaashay dhawr iyo toban shaqaale ah oo u shaqeynaayey Hayadaha Qaramada Midoobe kuwaaso xabsiga la dhigay,waxayna ku qasbeen iney qirtaan si qasab ah iyagoo lagu eedeeyey iney basaasiin u ahaayeen dalal shisheeye. Qaramadda Midoobe iyo Hayadaha Caalamiga ah ayaan weli qaadin wax tilaaba wax ku ool ah oo lagu sii deynaayo shaqaalaha sida sharci darada ah ugu xiran Xuutiyiinta ee ah dad la iska soo afduubtay.
ISHA/SB-MEDIA.