MAXKAMADAHA XUUTIYIINTA YEMAN OO BILAABAY…

(SAWIRKA)-RAG EY XUUTIYIINTA YEMAN DIL KU XUKUMEEN.

(MAXWIIT- YEMAN)-Maamulka Garsoorka ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa taageeray xukunkii dilka ahaa ey soo saartay Maxkamadda Darajadda koowaad ee Gobolka Maxwiit ee dalka Yeman,xukunka dilka ah ayaa lagu xukumay seddex nin oo degan Gobolka Maxwiit kuwaaso ey afduubteen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan sagaal sano ka hor. Ilo Xuquuqul Insaanka u dooda kuna suga gudaha dalka Yeman ayaa warbaahinta Maxaliga ah u sheegay in waxa loogu yeero Maxkamada Racfaanka ee gaarka ah qeybteeda dembiyadda ey taageertay maanta oo Axad ah xukun dil ah ee ugu horeeyey oo lagu riday dadkii la afduubay ee kala ah Ismaaciil Abu Algeyth,Saqiir Faarac iyo C/casiis AL-cuqeyli,marka lagu daro xukuo kale oo ka dhan ah dadka ey afduubteen Xuutiyiinta. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa isku dayaya in seddexda qofood ee la afduubtay dilkana lagu xukumay iyo kuwa kale iney u diyaariyaan Eedeymo ah iney dileen hogaamiye ka tirsan kooxda Xuutiyiinta sannadkii 2015-kii,marka lagu dari Eedeymaha diyaarsan ey Xutiyiinta u adeegsadaan dhammaan dadka ka soo horjeedo siyaasadood guracan ee gardaradda ah,sida laga soo xigtay ilo wareedyo. Ilo wareedyo ayaa sheegay in xukunka Maxkamdda Racfaanka ey ku riday Ismaaciil Abu AL-gayth oo la afduubay uu yahay mid ey horay ugu soo xukuntay Maxkamadda Darajadda koowaad,sidoo kale Maxkamadda Racfaanka ee taabacsan Xuutiyiinta ayaa min toban sano waxa ey hoosta ka gelisay dadkii ey sii deysay Maxkamadda Darajadda koowaad ee Xuutiyiinta taaso xukunkeeda soo saartay taariikhdu markeey ahayd 31/12/2022-kii.

ISHA/MO.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA OO BILAABAY INEY TARXIILAAN HAYA..

Next
Next

DHUL GO’O KA DHACAY DALKA YEMAN.