DHUL GO’O KA DHACAY DALKA YEMAN.

(SAWIRKA)-BURBUR GURI.

(YEMAN)-Seddex ruux ayaa dhaawacyo kala duwan ey soo gaareen ka dib markii uu ku soo dumay guri ku yaalo Tuuladda AL-kashabi oo ka tirsan degaanka AL-Manaar ee degmada Bacdaan ee dhacda Bariga Gobolka IBB ee bartamaha dalka Yeman. Burburka guriga ayaa dhacay shalay oo Sabti ahayd,waxa uuna ka dhashay dildilaacyo iyo dhul go’ay muddo lix sano ah,sida dadka degaanka degan ey sheegeen guriga burburay waxaa iska lahaay nin lagu magacaabo Saalax Cali Axmed. Dadka ku dhaqan Tuuladaan oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa kun qofood oo loo qeybiyey 150-guri,ayaa ku nool xaalad walaaca ah oo joogta ah iyo cabsi ey ka qabaan dhul go’o lama filaan ah oo ey wehliyaan Roobaba ma Hiigaan ah oo xilligaan ka da’aya Gobolka. In kasta oo ey jiraan khatarahaan hadane dadka degaanka degani waxa eysan wax taageero ama faragelin ah ka helin maamulka ey khuseyso hawshaan ee Xuutiyiinta,waxaaney weli baaqyo u dirayaan Hayadaha samafalka iney si deg deg ah u soo farageliyaan arrintaansi looga fogaado musiibo bani’adanimo oo imaan karta. Hayadda Cuntada iyo Beeraha ee qaramada Midoobe ee FAO ayaa ka digtay suurtagalnimada kororka Roobka xoogan ee maalmaha ka harsan bisha Luuliyo taasoo keeni karta fatahaado ka dhasha Goboladda kala duwan ee dalka Yeman.

ISHA/MO.

Previous
Previous

MAXKAMADAHA XUUTIYIINTA YEMAN OO BILAABAY…

Next
Next

YEMAN: ROOBAB MAHIIGAAN AH OO KA DA’AY GOBOLKA CAMRAAN