XUKUMADDA SUDAN OO AQBASHAY SHIRKA..

(SAWIRKA)-BURBURKA U GAYSTAY DAGAALKA SUDAN.

(KHARTUM)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ey sheegtay Talaadada maanta ah in dawladda Suudaan ey si shuruud la’aan ah ku aqbashay martiqaadka ka qeybgalka wada hadaladda Nabadeed ee uu Maraykanka garwadeenka ka yahay ee ka dhacaayo Geneva. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay Warsaxaafadeedkeeda in Suudaan ey codsatay iney la kulmaan saraakiisha Maraykanka si loogu diyaariyo wada xaajoodka nabadda. In ka badan 10-milyan oo qof ayaa ku barakacay dagaalka ka dhex qarxay Ciidamadda Suudaan iyo xoogaga Taageeradda deg dega ey tageerto Dawaladda Isutaga Imaaraatka Carabta ah bishii Abriil-2023-kii,iyadoo Qaramadda Midoobe ey sheegtay iney tahay dhibaatadda bani’adanimo ee ugu weyn adduunka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa war qoraal ah oo ey soo saartay ku sheegtay iney u jawaabtay dawladda Maraykanka oo ku aadan baaqii ahaa in wada hadal lagu qabto Geneva. Wasaaradda ayaa cusbooneysiisay diyaargarawgeeda iney ka qeybgasho wada xaajood kasta oo lagu joojinaayo qabsashadii ey Xoogaga Taageeradda deg deg ah ey qabsadeen magaalooyin iyo guryaha muwaadiniinta,laakin Wasaaradda sharaxday in “Wada xaajood kasta ka hor dhaqan gelinta Baaqa Jiddah kaaso dhigaayo in si buuxda looga baxo iyo in la joojiyo is balaarinta eysan aqbali doonin dadka Suudaan”. “Wasaaradda oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri”Intii la furi lahaay goobo cusub,waxaan dalbanaynaa in falaagadda lagu qasbo iney joojiyaan garadaradda iyo in cunaqabateyn lagu soo rogo iyaga iyo taageerayaashooda”iyadoo tixraaceyso Ciidamadda Taageeradda Deg deg ah. Wasaaradda waxay sharaxday in “Dhinacyadda Hindisaha Geneva ey la mid yihiin dhinacyadda Jiddah Platform,mawduucyaduna waxay la mid yihiin wixii hore loogu heshiiyey”,waxayana ku nuuxnuuxsatay in “Jiddah Platform iyo heshiiska lagu gaaray ey aasaas u tahay. Wada xaajood kasta oo mustaqbalka ah”. Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku soo gabagabeysay iyadoo ku nuuxnuuxsatay iney codsatay iney la kulanto Dawladda Maraykanka si loogu gogol xaaro wada xaajoodka nabadeed.

ISHA/AN.

Previous
Previous

ISBAHAYSIGA CIIDAMADA EE CIRAAQ OO WEE…

Next
Next

XUUTIYIINTA OO BILAABAY INEY TARXIILAAN HAYA..