XUJAAYDA SANNADKAN OO XAALAD ADAG…
(SAWIRKA)-XAAJI BIYA ISKU SHUBAAYO.
(MAKAH)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa ku sugan dad gaaraayo 1.6-Milyan Xaaji oo isaga kala yimid daafaha caalamka,cimilada dalka Sacuudiga ayaa ah mid aad u sareeyso waqtigaan waxa eyna gaartay 45-C waxaane taasi ka dhashay dad fara badan oo Xujaay ah inuu soo food saaro xanuun dhinaca wadnaha ah. Sida ey sheegeen waragaysyada dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Xujaay gaareyso 1721-Xaaji maalintiiba yimaadaan goobaha caafimaadka,dadka ilaa hadda yimid goobaha caafimaadka ayey ku sheegeen iney dhan yihiin ilaa 6500-Xaaji. Hayadaha caafimaad ee magaaladda Barakaysan ee Makah ayaa sheegay in Xujaayda lagu arkay MADAX XANUUN,HARAAD,WAREER,TABAR YARI,DHIDID FARA BADAN,LALABO IYO KAADI YARI.
ISHA WARKA SAHRQUL AWSAT.