LIBNAAN OO WAJAHAYSA FARAGELIN.
(SAWIRKA)-CALANKA DALKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa uu ka mid yahay wadamada Carabta ey ku wada nool yihiin shacab kala diin duwan hadane ey ka wada dhexeyso hal dawlad,dalkaan waxaa deris la ah dalalka Suriya iyo Israel oo isu ah dab iyo caws waxaane awood ciidan gudaha dalka Libnaan ku leh koox ey taageerto Iraan lana yiraahdo Xizbullah,Libnaan ayaa sideedii bilood ee la soo dhaafay waxa ey ahayd dal aan lahayn Madaxweyne waxaane la isku dayey in la doorto Madaxweyne tiro ka badan toban jeer mana eysan dhicin inuu soo baxo Musharax soo buuxiya tiradii codadka looga baahnaay intii isa soo sharaxday,si kastaba Libnaan ayaa wajahaysa faragelin dhinaca maamulka ah waxaane arrintaan wada dawladdo shisheeye oo dano gaara ka leh dalka Libnaan.
ISHA WARKA DAWLADO.