QAXOOTI REER CIRAAQ AH OO GUBAY…

(SAWIRKA)-NINKA REER CIRAAQ EE JEEX-JEEXAY DABADEEDNA GUBAY KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH

(SWEDEN)-Ma aha markii ugu horeysay ee aan Tv-yada ka aragno ayada oo la gubaayo Kitaabka Quraanka Kariimka ah gudaha wadamadda sheegta iney yihiin kuwa dhawra xuquuqda dadka iyo diimahooda ey aaminsan yihiin,bishii Janayo ee sannadkaan-2023-ka ayey ahayd markii nin u dhashay dalka Denmark balse haysta dhalshada dalka Sweden Rasmus Paludan oo xagjir ah uu Kitaabka Quraanka Kariimka ah ku hor gubay Safaadda Turkiga ee ku taalo caasimadda dalka Sweden,arrintaan ayaa waxaa cabasho muuqata ka sameeyey dalka Turkiga oo hadda hortaagan xubin ka noqoshada dalka Sweden ee ururka NATO. Shalay oo ahayd maalintii koobaad ee Ciidul Adxaa loogana dabaal degaayey dhammaan wadamada Muslimiinta ah ayaa waxaa Caasimadda dalka Sweden ka dhacday in Kitaabka Quraanka Kariimka ah lagu hor Jeex Jeexo lana gubo Masaajid ku yaalo caasimadda dalka Sweden ee Stokhlom,arrinkaan foosha xun ayaa waxaa ku dhaqaaqay nin Qaxooti reer Ciraaq ah lana yiraahdo SALWAAN MOOMIKA.

ISHA WARKA ARABIC

HALKAAN KA SII AKRISO.

Previous
Previous

XUJAAYDA SANNADKAN OO XAALAD ADAG…

Next
Next

MASAR: GARYAQAAN XABSI KU GEERIYOODAY.