MASAR: GARYAQAAN XABSI KU GEERIYOODAY.

(SAWIRKA)GARYAQAAN CALI CABAAS BARAKAAT.

(QAHIRA)-Garyaqaan reer Masar ah una dooda xuquuqda dadka una xirnaay xukuumadda Masar ayaa loola cararay Isbitaalka ka dib markii uu Ogaal beelay(COMA) laba maalmood ka hor,Garyaqaanka ayaa lagu wareejiyey qeybta la jiifiyo dadka ey liidato xaaladooda caafimaad,nasiib darase Garyaqaanka ayaa halkaasi ku geeriyooday horaantii bishaan juun-2023-ka,sidaas waxaa sheegay kooxaha u dooda xuquuqda dadka lana hadlay Wargayska Al-Arby Al-Jadeed. Garyaqaan Cali Cabaas Al-Barakaat ayaa xukuumadda Masar waxa ey xabsiga u taxaabtay sannadkii 2016-kii oo hadda laga joogo todobo sano. Garyaqaan Cali ayey Maxkamadu ku xuntay inuu galay dembiyo kala gedisan laakinse Garyaqaan oo Racfaan ka qaatay xukumadaasi ayaa laga laabtay dhammaan xukumadii ku dhacay Garyaqaan Cali,xukunkii ugu dambeeyey ayaa laga laabtay May-2023-ka.

ISHA WARKA ARBIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

QAXOOTI REER CIRAAQ AH OO GUBAY…

Next
Next

LIBNAAN CADALAAD MAKA JIRTAA?