WHO OO KA DIGTAY INEY MACLUUL KA DHACDO GAZA.
(SAWIRKA)-MADAXA WHO.
(LONDON)-Caruurta ku nool dhulka go’doonsan ee Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa laga yaabaa iney ka badbaadaan macluul halkaas ka jirta sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheegay Madaxa Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO. “Caruurta ka badbaaday duqeynta balse laga yaabo iney ka badbaadaan macluul”sidaas waxaa bartiisa Twitter-ka(X) Tedros Adhanom Ghebreyesus. Madaxa WHO ayaa ku baaqay in loo ogolaado gargaar bani’adanimo Marinka Gaza iyo sidoo kale xabad joojin laga sameeyo halkaas. Isra’iil ayaa weeraro mileteri oo aad u ba’an ku qaaday Marinka Gaza tan iyo bishii Oktoobaba7-2023-kii waxaane sabab u ahaay weerar ey qaaday kooxda Xamaas ee reer Falastiin weerarkaaso ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 1200-qofood sida ey sheegtay Isra’iil. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa ilaa hadda waxaa ku naf waayey 30,700-qofood oo Falastiiniyiin ah waxaane ku dhaawacmay dad dhan 72,156-qofoofd oo kale, waxaane jiro burbur ba’an oo soo gaaray dhismayaashii Marinka Gaza.
ISHA/AA.