DALKA KOONFUR AFRIKA OO WELI KU DHEGAN ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA CAALAMAIGA AH EE CADAALADDA.
(HAGUE-NETHERLAND)-Iyadoo la soo xiganaayo in Gaajo baahsan ey ka jirto Marinka Gaza ayuu dalka Koonfurta Afrika uu ku booriyey Maxkamadda sare ee Qaramadda Midoobe iney amarto Isra’iil iney ogolaato gargaarka bani’adanimo ee la gaarsiinayo Gobolka ey dagaaladdu Aafeeyeen taaso qeyb ka ah kiis socda oo lagu Eedeynaayo ololaha mileteri ey Isra’iil ku qaaday Gaza kaaso welina socda,waxa eyna Isra’iil jebisay heshiis Xasuuqa. Isra’iil waxa ey si adag u beenisay iney jebisay heshiiskaas la xiriira Xasuuqa. Dalka Koonfur Afrika oo dacwad Xasuuq ah ka gudbiyey Isra’iil dabyaaqadii sannadkii hore una gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa sheegay iney ku qasbanaatay iney raadiso amaro horudhac ah oo dheeraad ah”Iyadoo la eegaayo xaqiiqooyinka cusub iyo isbedeladda xaaladda Gaza gaar ahaan xaaladda Gaajadda Baahsana,waxa eyna ku saabsan tahay jebinta xun ee joogtada ah” ee shirkii Isra’iil.
ISHA/ARAB.