MARINKA GAZA OO HAWADA CUNTO IYO DAWO LOOGA DAADIYEY.
(SAWIRKA)-DIYARADAHA MASAR IYO IMAARAATKA.
(ABU DHABI)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in dalalka Masar,Imaaraatka Carabta,Urdun,Qadar,Baxreyn iyo Cumaan ayaa bilaabay iney hawada uga soo daadiyaan cunto kaalma ah gudaha Marinka Gaza marka laga soo bilaabo Khamiistii. Dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegay iney duqeyn labaad oo raashin gargaar ah ka fuliyeen Marinka Gaza iyagoo kaashanaayo dalka Masar. “Hawlgalka labaad ee lagu soo tuuray gargaarka bani’adanimo eyna fulinayaan diyaaradah Imaaraatka iyo kuwa cirka Masar lagana fuliyey Waqooyiga Gaza si loo yareeyo dhibaatada Walaalaheen Falastiin” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda G/dhiga. “Koox wadajir ah oo ka kala socdo labada dal ayaa fuliyey hawlgalki labaad ee hawada looga soo ridayey cunto iyagoo isticmaalaya seddex diyaaradood oo siday 42-tan oo cunto iyo gargaar dawo ah gaarsiiyey Waqooyiga Gaza”,Wasaaradda ayaa hadalkeeda raacisay.
ISHA/AA.