WAX KA OGOW DILALKA QORSHEYSAN EY ISRAEL U GAYSATO MADAXDA XAMAAS.

(SAWIRKA)-SHEEKH AXMED YAASIIN IYO C/CASIIS RANTISI.

(BEIRUT)-Dalka Isra’iil waxa uu leeyahay taariikh dheer kuna saabsan dilalka Qorsheysan ey kula keceyso Hogaamiyeyaasha Xarakada Xamaas ee reer Falastiin ee ku kala sugan adduunka dacaladiisa ka hor inta eysan dilin Ku-xigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Saalax AL-Caruuri taariikhdu markey ahayd 2/1/2024-ka gudaha magaaladda caasimadda ah ee Beirut dalka Libnaan. Saalaxa AL-Caruuri waxa uu ahaay ku Xigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas isla markaasne ah Aas Aasihii garabka Mileteriga ee loo yaqaano Guutada Ciza-addiin AL-Qasaam,Saalax ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaarad kana dhacay xaafad ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Beirut dalka Libnaan. Dalka Isra’iil ma uusan sheegan masuuliyadda weerarka lagu dilay Saalax AL-Caruuri, balse Xukuumadda Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa horay waxa ey wacad ugu martay iney dili doonto Madaxda Xamaas ee ku kala sugan caalamka daafihiisa kala duwan ka dib markii uu dhacay weerarkii lama filaanka ahaay ey Xamaas ku qaaday Isra’iil todobadii bishii Oktoobar sannadkii 2023-kii.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI KAHRISO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO KU BEEN ABUURATAY SEDDEX DAL OO AFRIKA AH.

Next
Next

103-DHIMASHO IYO 188-DHAAWAC AH NATIIJADII QARAXYADII IRAAN.