103-DHIMASHO IYO 188-DHAAWAC AH NATIIJADII QARAXYADII IRAAN.

(SAWIRKA)-GOOBIHII EY KA DHECEEN QARAXYADII LULAY DALKA IRAAN.

(KERMAN)-Telefishanka dalka Iraan ayaa shaaciyey in laba Qarax ey dheceen intii ey socotay munaasabadda lagu xasuusayey sannad Guuradii afaraad ee ka soo wareegtya dilkii Taliyihii hore ee ciidamadda Qudus Qaasim Suleymaani oo ka dheceysay magaaladda KERMAN,Labada Qarax ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac tobaneeyo ah,dawladda Iraan ayaa ku dhawaaqday Baroor Diiq Qaran in loo sameeyo dadkii ku dhintay Qaraxyada ka dhacay Kerman berri oo Khamiis ah guud ahaan dalka Iraan. Sida laga soo xigtay Tv-ga dalka Iraan oo soo xiganaayey Afhayeenka Gurmadka Caafimaadka ee dalka Iraan,tirada dhimashada ee labada Qarax ayaa gaartay ilaa 103-Qofood halka tirada dhaawca ah ey gaareen ilaa 188-qofood,iyadoo Wakaaladda Tasnim ee ku dhaw xukuumadda Iraaney sheegtay in dadka dhintay ey ku jiraan afar askeri oo ka tirsan ciidamadda Booliska dalka iraan. Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee dalka Iraan ee IRNA ayaa ku warantay in laba Qarax laga maqlay wadada aada Qubuuraha Kerman halkaaso uu ku aasan yahay Qaasim Suleymaani. Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Kerman dhinaca Amaanka Raxmaan Jalali ayaa u sheegay Tv-ga dalka Iraan in labada Qarax ey ka dhasheen “Weeraro Aragagixiso”waxa uuna sheegay in labada Qarax ahaayeeen Bambooyin laba ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKJRISO.

Previous
Previous

WAX KA OGOW DILALKA QORSHEYSAN EY ISRAEL U GAYSATO MADAXDA XAMAAS.

Next
Next

TURKIGA OO XABSIGA DHIGAY 34-BASAAS OO ISRAEL U SHAQEYNAAYEY.