ISRA’IIL OO KU BEEN ABUURATAY SEDDEX DAL OO AFRIKA AH.
(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO MW-JAAD.
(KIGALI)-Dagaalka sida xooga ah uga socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamada difaaca Isra’iil(IDF) ayaa hadda waxa uu galay maalintiisii 93-aad,dagaalkan ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaraayo ilaa 22.722-qofood ey ka mid yihiin 9-kun oo caruur ah,6,450-dumara ah iyo 1,779-qoysas ah,tirada guud ee ku dhaawacantay ayaa gaareyso 58,166-qofood,tirada dadka ilaa hadda la la’ayahay waxa ey dhan tahay 7-kun oo qofood. Dawladda Isra’iil ayaa qorsheysay in dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza laga tarxiilo dhulkooda lana geeyo dalal kale oo Afrkaan ah,arrintaan ayaa waxaa qeyb ka ah Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair oo Isra’iil ku sugnaay dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay. Tony Blair ayaa waxa uu rabaa inuu qorshaha Isra’iil ka iibiyo dawladaha Midawga Yurub si ey u taageeraan ka dibne dadka reer Falastiin laga soo musaafuriyo dalkooda hooyo,hadaba maxaa soo kordhay oo cusub? Seddex dal oo Afrikaan ah ayaa ku gacan seyray warar ey faafiyeen Warbaahinta Isra’iil oo sheegayey iney ka wada hadleen sidii Isra’iil ey u qabsan lahayd dhulka Falastiiniyiinta laga barakiciyey Marinka Gaza. Masuuliyiinta Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo,Rwanda iyo Jaad ayaa dhammaantood sheegay ineysan wax wada hadal ah la yeelan masuuliyiinta Isra’iil kuwaaso lagu sheegay warbaahinta Isra’iil oo ey ku jirto i24-News horaantii todobaadkan. Dalka Jaad si buuxda ayuu u beeniyey eedeymaha uu dhawaan baahiyey kanaalka Isra’iil ee i24-ka kaaso sheegay in wada hadalo u dhexeeyo Isra’iil iyo Jaad ey socdaan ujeedaduna tahay in kumanaan reer Falastiin ah la soo dejiyo dhulka dawladda Jaad,sidaas waxa sheegay afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda Jaad maanta oo Sabti ah.
ISHA/ARAB.