WAA MAXAY XIRIIRKA XUUTIYIINTA IYO ALSHABAAB?

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA IYO ALSHABAAB.

(SANA’A)-Bartimihii sannadkaan ayaa waxaa soo shaac baxay warar aan la xaqiijin oo sheegayo in Kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Ururka AL-shabaab ee gacan saarka la leh Urur Weynaha AL-Qaacida in xiriir dhexmaray,lama helin warbixin cad oo ka hadleyso wararkaas soo baxay,hadda ayey soo baxday Warbixintii ugu dambeeysay ee kooxda khubarada ah ee la socoto colaada dalka Yeman oo socotay muddo toban sano ah ayaa hadda isu bedeshay Xiisad Caalamia ah iyadoo ey soo kordheen xawliga rabshadaha ka dib markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza,kaaso si xun u saameeyey nabadda dalka Yeman. Warbixin kooban ahne midii ugu dambeysay ey sameeyeen kooxda Khubarada ah ee la socoto Yeman kuwaso lagu dhisay Qaraarka Golaha Amaanka tirsigiisu yahay 2140 ee sannadkii 2014-kii ayaa lagu xaqiijiyey in Kooxda Xuutiyiinta ey ka faa’iideysteen xaaladda Gobolka ee hadda jirta,iyagoo xoojiyey iskaashiga ey la leeyihiin dawladda Iraan iyo Ururka Xizbullah taaso xadgudub ku ah go’aanadda Golaha Amaanka. Gudiga ayaa tilmaamay in kooxda Xuutiyiinta Yeman iney taageero Ciidan iyo mid dhaqaale ka heleen Iraan iyo Maleeshiyaadka reer Ciraaq si kor loogu qaado awooda dagaal, waxa uuna gudiga ku sifeeyey hawlgalo aan horay loo arag marka loo fiiriyo baaxadooda,nooca hawlgalka iyo baaxadda ey leeyihiin.

ISHA-MO.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

MA RUNBAA IN CABDUL-RIDA’A SHAHLAAY KA BAXAY YEMAN?

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO AFDUUBAY…