XUUTIYIINTA YEMAN OO AFDUUBAY…

(SAWIRKA)-MALEESHIYADKA XUUTIYIINTA.

(SANA’A-YEMAN)-Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman ayaa afduubay shaqaale Yemani ah oo ka tirsanaay Safaaradda Maraykanka ee Sanca,isagoo noqoday dhibanihii ugu dambeeyey ee la ogaaday dhibaatada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Gargaarka iyo Shaqaalaha bulshada Rayidka ah ee Yeman ee ku sugan dhulka ey maamulaan Xuutiyiinta. Koox hubeysan oo Xuutiyiin ah oo ey ku jiraan Haween Boolis ah laguna magacaabo Zeynabiyaat ayaa weerar ku qaaday guriga Maxamed Cabdallah Shamaakh oo ahaay sarkaal ka tirsanaay maamulka Safaaradda Maraykanka ee caasimadda Sanca,waxaane la afduubay ka dib markii ey baarayeen sida uu sheegay saaxibkiisa iyo saxafi Yemani ah oo lagu magacaabo Saami Qaalib.

ISHA-AR.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

WAA MAXAY XIRIIRKA XUUTIYIINTA IYO ALSHABAAB?

Next
Next

WASIIR DAVID LAMMY OO LAGU DHEGAN YAHAY.