MA RUNBAA IN CABDUL-RIDA’A SHAHLAAY KA BAXAY YEMAN?

(SAWIRKA)-NINKA LA BAADI GOOBAAYO EE CABDUL-RIDA’A.

(SANA’A-YEMAN)-Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa noqday kuwa caan ka ah Gobolka Bariga Dhexe waqtigaan la joogo waayo waxa ey qeyb ka noqdeen dagaalka ka socdo Marinka Gaza iyo Lubnaan. Xuutiyiinta ayaa gacan saar fiican la leh Ilaaladda Kacaan dalka Iraan waxaane dagaalka Isra’iil kula jiro saraakiil sar sare oo reer Iraan,balse waxaa mar qura la waayey Hogaamiyihii Qarsoonaay ee Xuutiyiinta una dhashay dalka Iraan,warar ayaa daah ka rogay in ninkii ugu khatarta badnaay caalamka uu si deg deg ah uga baxay dalka Yeman. Laamaha Amaanka iyo Sirdoonka ayaa soo bandhigay xog cusub oo muhiim ah kuna saabsan wax ey ku tilmaameen Hogaamiyihii Qarsoonaay ee Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee xiriirka la leh dalka Iraan,iyagoo xusay iney u suurtagashay inuu si lama filaan ah uga baxo dalka Yeman in kastoo ninkaasi si caalami ah loo raadinaayo laguna daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah. Shabakadda”Khadka Difaaca” oo ku takahsusutay Arrimaha Ciidamadda iyo Amniga ayaa ilo wareedyo ka soo xigatay in Cabdul-Rida’a Shahlaay oo ah Hogaamiye caan ah oo ka Tirsan Ilaaladda Kacaan dalka Iraan isla markaasne ku jira Liiska Argagixisada Caalamiga ah uu ka tegay dalka Yeman ka dib markii uu halkasi ka weday dhaqdhaqaaqo xoogan oo mileteri, sida taageerida iyo jihaynta kooxda Xuutiyiinta. Ila wareedyo Sirdoon ayaa sheegay in Shahlaay oo sidoo kale loo yaqaan “Yuusuf Abu AL-Kharkh”ama “Xaaji Yuusuf”aan lagu arag goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta tan iyo bilawgii sannadkan-2024-ka taaso sii xoojineysa mala awaalka ah in Xaaji Yuusuf uu ka tegay dalka Yeman.

ISHA-AY.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

ISRA’IIL MA LAGA SAARI DOONAA UN-KA?

Next
Next

WAA MAXAY XIRIIRKA XUUTIYIINTA IYO ALSHABAAB?