ISRA’IIL MA LAGA SAARI DOONAA UN-KA?

(SAWIRKA)-FRANCSECA ALBANESE.

(NEW YORK)-Wararka aan ka heleyno Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ee cariga Maraykanka ayaa sheegaayo in Wakiilka Qaramada Midoobe ee dhulka Falastiin ey Arbacdii inaga tagtay ey ku baaqday in la joojiyo xubinimada Isra’iil ee Qaramada Midoobe iyadoo u sababeysay xadgudubyada joogtada ah ee baalmarsan Sharciyadda Caalamiga ah iyo Qabsashada dhulka reer Falastiin. Francesca ALnanese oo ah Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Xaaladda Xuquuqul Insaanka ee dhulka Falastiin ayaa ka digtay in isla xisaabtan la’aanta la siiyey Isra’iil ey u ogolaatay iney noqoto mid sameysa “Xadgudubyo is daba joog ah oo baalmarsan Sharciga Caalamiga ah”. Albanese waxa ey ku talisay in Golaha loo dhan yahay uu ka fiirsado joojinta aqoonsiga Isra’iil ee Qaramada Midoobe ilaa ey ka joojineyso ku Xadgudubka Sharciga Caalamiga ah,sidoo kale ey Isra’iil ka joojineyso qabsashada dhulka reer Falastiin taaso ey ku sheegtay iney tahay sharci darro.

ISHA-NA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

SIRDOONKA ISRA’IIL MOSSAD OO KU LUG YEESHAY…

Next
Next

MA RUNBAA IN CABDUL-RIDA’A SHAHLAAY KA BAXAY YEMAN?