URURKA XIZBULLAHI OO SHEEGAY INUU XABADDA JOOJIN DOONO HADDII..
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA,
(BEIRUT)-Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku soo warantay iyadoo soo xiganeysa laba ilo wareed waxa eyna sheegtay iney aad ugu dhaw yihiin Ururka Xizbullahi ee dalka Libnan,maanta oo Talaada ah(27/2/24)-ka,In Ururka Xizbullahi uu joojin doono xabadda uu ku ridaayo Isra’iil haddii Xarakadda Xamaas ogolaato soo jeedinta heshiiska xabad joojinta Marinka Gaza ah ee lala gelaayo Isra’iil iyo in ciidamadda Isra’iil joojiyaan duqeynta koonfurta dalka Libnaan. Mid ka mida ila wareedyada ku dhaw Ururka Xizbullaahi ayaa yiri”Marka Xamaas ey ku dhawaaqdo iney ogolaatay xabad joojinta,isla markaasne lagu dhawaaqo xabad joojinta Xizbullahi,waxa uu Ururka Xizbullahi u hogaansami doonaa xabad joojinta la gaaray,waxaane si deg deg ah loo joojin doonaa hawlagaladda uu Ururka Xizbullahi ka wado koonfurta dalka Libnaan”sidii dhacday waqti hore. Balse haddii Isra’iil ey sii wado duqeynta koonfurta dalka Libnaan,waxaa waajib ah in Ururka Xizbullahi uu ka jawaabi doono dagaalne uu la geli doono Isra’iil.
ISHA/ARAB.