SACUUDIGA OO MAANTA 7-QOFOOD TOOGTAY.

(SAWIRKA)-SIDA DADKA LOO DALDALO.

(RIYAD)-Wararka ka imaanayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaayo in maanta oo ah Talaado in gudaha dalka Sacuudiga lagu daldalay ilaa todobo qofood waane tiradii ugu badneed ee dil lagu fuliyey gudaha dalka Sacuudiga tan iyo markii dil toogasha ah lagu fuliyey dad gaaraayo ilaa 81-qofood Maarso-2022-kii. Maxkamadda gaarka ah ee dembiyadda(SCC)ayaa ragaan ku xukuntay edeymo la xiriira argagixisanimo,Maxkamadda ku edeysay iney khiyaaneen dalkooda hooyo,khatar geliyeen xasiloonida dalka Sacuudiga iyo iney halis geliyeen Amnig Boqortooyada sacuudiga. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ilaa hadda waxa uu fuliyey ilaa 31-xukun oo dil toogasha ah laakinse sannadkii tegay ee 2023-kii dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa toogasho lagu fuliyey ilaa 172-qofood sida laga soo xigtay kooxaha u dooda Xuquuqda Adanaha lana socdo xukunadda dilka ah ee uu fuliyo dalka Boqortooyada Sacuudiga.

ISHA/MEE.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

URURKA XIZBULLAHI OO SHEEGAY INUU XABADDA JOOJIN DOONO HADDII..

Next
Next

MAXAAN KA NAQAAN XABAD JOOJINTA XAMAAS IYO ISRA’IIL.