TIRADA DHIMASHADA REER FALASTIIN OO GAARTAY ILAA….

(SAWIRKA)-HOOYO KU DUL OOYNEYSA CARUURTEEDA EY DISHAY ISRA’IIL.

(GAZA)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in ugu yaraan 30,035-qofood oo Falastiiniyiin ah ey ku geeriyoodeen dagaalka ka socdo Marinka Gazaee soo bilawday 7/10/23-ka,waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 70,457-qofood kale. Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda caafimaadka Marinka Gaza Ashraf AL-Qudra,waxaa maanta geeriyootay 81-qofood waxaane dhaawacantay 132-qofood kale tan iyo maalintii shalay oo Arbaca ahayd,sida laga soo xigtay Afhayeen AL-Qudra Caruur,Haween iyo dad waayeelo ah ayaa ugu badan inta ey soo gaartay dhibaatadda ka taagan Marinka Gaza iyadoo qaar fara badan oo ka mid ah dhibanayaasha ey weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa dadka reer Gaza 85% ku qasbay iney isaga barakacaan halkii ey deganaayeen waxa eyna hadda ku nool degaano loogu talagalay dadka soo barakaca,xerooyinka barakacaaysha ayaa waxaa ka jirto daawo yari,Cunto yari iyo inaan laga helin biyo Nadiif ah oo ey dadku cabi karaan,halka 60% kaabayaashii dhaqaalaha ey noqdeen kuwa wada burburay sida ey sheegtay Qaramada Midoobe. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa Isra’iil ku eedeysay iney gaysatay Xasuuq wadareed,waxa eyna Maxkamdu gaartay go’aan bishii Janaayo-2024-ka waxaane Isra’iil lagu amray ineey joojiso xasuuqa ey ka wado Marinka Gaza.

ISHA/AA.

Previous
Previous

CIIDAMADDA MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

Next
Next

URURKA XIZBULLAHI OO SHEEGAY INUU XABADDA JOOJIN DOONO HADDII..