UAE OO DHISAAYO MAXKAMAD GAAR AH.

(SAWIRKA)-GARSOORKA.

(ABU DABAI)-Dalka Imaaraatka Carabta ayaa sameynaayo garsoorayaal heer Federaal ah oo takhasusa una gaar ah iney gacanta ku dhigaan dembiyada dhinaca dhaqaalaha iyo dhaqidda lacagta,talaabadaan ayaa ah mid ujeedkeedu yahay sidii loo taageeri lahaay deganaanshaha Maaliyadeed ee dalka Imaaraatka Carabta iyo Kobcinta dhaqaale ee dalka. Madaxa garsoorka Federaalka ahne Wasiirka Cdaaladda dalka Imaaraatka Carabta Cabdallah Suldaan Al-Nuceymi ayaa ogolaaday soo jeedinta xeer ilaaliyaha guud ee ahayd in la dhiso garsoor heer Federaal ah una gaar ah iney fiiriyaan dacwadaha la xiriiro dembiyada dhaqaalaha iyo dhaqidda lacagta.

ISHA/GULF NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DAGAAL CULUS OO KA DHACAY…

Next
Next

DAGAAL KA DHACAY XERO QAXOOTI.