DAGAAL KA DHACAY XERO QAXOOTI.

(SAWIRKA)-XERADA QAXOOTIGA CEYN XILWA.

(BEIRUT)-Iska horimaad ayaa xalay habeen barkii oo ahayd Axad waxa uu ka dhacay xerada Qaxootiga ee reer Falastiin ee ku dhaw magaaladda dekeda Sidon kuna taalo koonfurta dalka Libnaan,dagaalka ayaa waxa ku dhintay shan qofood waxaane ku dhaawcmay todobo qofood oo kale,sidaas waxa sheegay saraakiil reer Falastiin ah. Iska horimaad ayaa yimid ka dib markii koox reer Falastiin kuna sugneed Xearad Qaxootiga ee Ceyn xilwa ey isku dayeen iney soo qabtaan nin hubaysan kana tirsan kooxaha Islaamiga ah kaaso baxsad ka ah hayadaha maanka dalka Libnaan,xerada Ceyn Xilwa ayaa ah meel ey si aad ah u degan yihiin Qaxootiga reer Falastiin. Sannadkii 2017-kii ayey ahayd markii uu dagaal culus uu ku dhexmaray Xerada Ceyn xilwa kooxo hubaysan oo iska soo horjeeday,dagaalka ayaa dhexmaray maleeshiyaadka xerada ceyn xilwa iyo kooxda Daacish.

ISHA/AN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

UAE OO DHISAAYO MAXKAMAD GAAR AH.

Next
Next

SHAN ASKERI OO LAGA DILAY SUURIYA.