DAGAAL CULUS OO KA DHACAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Dhammaadkii todobaadkii tegay ayaa dalka Masar waxaa ka jir iska horimaad u dhexeeyo kooxo xagjira ah iyo ciidamadda amaanka dalka Masar,dagaalka ayaa ka dhacay Gobolka Siinaay Waqooyigiisa waxaane halkaasi ku dhintay ciidamada amaanka iyo kooxihii soo weeraray. Weerar ey kooxaha xagjirka ah ey soo qaadeen maanta oo Isniin ah ayaa waxaa ku dhintay saraakil iyo askar ka wada tirsan ciidamadda amniga dalka Masar,waxaane kor u kacay tirada dhimashada ee ciidamadda gaarka ah ee Masar waxaane ka mid ah afar sarkaal ka dib markii uu dhacay iska horimaad hubaysan kana dhacay meel u dhaw halka ey degan yihiin ciidamadda amaanka ee magaaladda Cariish ee Waqooyiga gobolka Sinaay,sidas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press(AP). Dagaalka ayaa socday muddo sideed saac ah waxa uuna bilawday todobada subaxnimadii waxa uuna soo gaaray seddexdii galabnimo,dagaalka ayaa sababay iney go’aan korontada iyo internet-ka ee magaaladda Cariish,meydadka la geeyey Isbitaalka ciidamadda ee magaaladda Cariish ayaa waxaa ka mid ah hal sarkaal iyo laba askeri.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

DALKA SWEDEN OO LAGU GUBAY KITAABKA QURAANKA.

Next
Next

UAE OO DHISAAYO MAXKAMAD GAAR AH.