DALKA SWEDEN OO LAGU GUBAY KITAABKA QURAANKA.
(SAWIRKA)-CIRAAQIGA GUBAY KITAABKA QURAANKA.
(SWEDEN)-Wararka ka imaanaayo dalka Sweden ayaa sheegaayo in maanta oo ah Isniin 31/7/23-ka in mar kale lagu gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah wejiga hore ee Baarlamaanka dalka Sweden ee caasimadda Stockholm. Salwaan Mumaki oo ah nin Qaxooti reer Ciraaq ah balse aan Muslim ahayn ayaa jarjaray Kitaabka Quraanka Kariimka ah,kuna istaagay dabadeedne dab qabadsiiyey,Salwaan ayaa sidaan oo kale waxa uu sameeyey bishii Juun-23-ka Masaajid ku yaalo caasimadda Stockholm hortiisa.
ISHA/ARABIC.