SWEDEN IYO CIRAAQ EY DHEX TAFAN TAHAY.

(SAWIRKA)-DIL LAGU XUKUMAY RAG SWEDEN AH.

(SWEDEN)-Seddex mawaadin oo Sweden dhalashadeeda haysta ayaa lagu xukumay dil toogasha ah gudaha dalka Ciraaq ka dib markii lagu helay iney ku lug yeesheen toogash,mid afaraad ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu la kulmo ciqaab taas la mid ah ka dib markii uu galay dembiyo kala duwan,sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden maanta oo khamiis ah. Dawladda Sweden ayaa u yeertay sii hayaha Safaaradda Ciraaq ku leedahay dalka Sweden bishii la soo dhaafay ayadoo ka soo horjeedo xukunka toogashada ah ee lagu xukumay seddex mawaadin oo Sweden ah kuwaaso lagu eedeeyey iney qeyb ka ahaayeen toogasho ka dhacday Ciraaq,dalka Sweden ma laha xukun dil ah waxa eyna ka soo horjeedaa in loo isticmaalo xaalad kasta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Sweden ayaa sheegtay iney hadda heshay xaqiijin ah in laba qof oo Iswiidhan ah oo kale lagu helay dembiyo isku mid ah laguna xukumay dil Toogasha ah.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO WAFDI U DIRTAY DOOXA.

Next
Next

SHIRKADA SOOMAALIYEED OO LAGU DHEGAN YAHAY…