SHIRKADA SOOMAALIYEED OO LAGU DHEGAN YAHAY…

(SAWIRKA)MAGAALADDA LAKEVILLE MN.

(KALEVILLE-MN)-Wararka inaga soo gaarayo Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Shirkadda NOLOSHA DEVELPOMENT oo ah shirkad ey Soomaalidu leedahay suuq gaysana mashaariicda guriyeyn ah oo laga dhisaayo Lakeville ee G/Minasoota ee dalka Maraykanka,waxaane si weyn isha ugu haya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee G/Minnesota iyo maamuladda Federaalka. Shirkadda Nolosha Development ayaa lagu Eedeeyey iney sameeysay lunsasho dhaqaale iyadoo urursatay lacag dhan $25,000 doolarka Maraykanka ah oo boos qabsi ah kana qaaday macaamiil tiradooda lagu sheegay iney dhan tahay 150-Qof,wadarta lacagta laga qaaday macaamiisha hormaris ahaan ayaa dhan hal milyan oo doolarka Maraykanka ah. Dhulka loogu talagalay in lagu horumariyo lacagtaas dhan halka milyan ayaa muran dhinaca sharciga ah oo la xiriira Fadeexadda Quudinta Mustaqbalkeena,iyadoo la sheegay in lagu iibsaday lacag been abuur ah. Intaas waxaa dheer,Shirakadda Nolosha waxaa ka maqan Shatiyadii Dhismaha iyo hantida ma Guurtada ah ee lagama maarmaanka ah,taaso shaki gelineysa awooda ey u leeyihiin iney keenaan guryaha la balanqaaday. In kastoo lagu andocoonaayo in guryuhu diyaar yihiin bishii Nofeembar-2023-kii,hadane baaritaano la sameeyey ayaa lagu ogaaday in Shirkadda Nolosha eysan lahayn Dhul,mashruucana uu aad uga fog yahay in la bilaabo iyadoo waqtiyadda dhabta ah ey muujinayaan in la bilaabaayo ka hor sannadka 2026-ka. Macaamiisha dooneysa in dib u dhacyadaas dartood loo soo celiyo lacagtooda ayaa la kulmeen Ganaaxyo waa weyn,intooda badane waxa ey lumiyeen qeyb weyn oo ka mid ah lacagtii horay looga qaaday. Maamule C/weli C/laahi ayaa beeniyey Eedeymaha loo soo jeediyey waxa uuna ku tilmaamay war khaldan oo uu ka helay nin horay ula soo shaqeeyey oo la tartamay balse taasi ma eysan dhimin walaaca maamulka iyo macaamiisha u dhexeeyo,waxa eyna keentay in la sameeyo baaritaano iyo in la qaado talaabooyin sharci ah.

ISHA/INSIDE AFRICA.

Previous
Previous

SWEDEN IYO CIRAAQ EY DHEX TAFAN TAHAY.

Next
Next

MADAWEYNAHA MASAR AL-SISI MAXAA U QABSOOMAY?