ISRA’IIL OO WAFDI U DIRTAY DOOXA.
(SAWIRKA)-MADAX SIRDOONKA ISRAEL DAVID BARNEA.
(LONDON)-Ayadoo ey jirto rajo cusub oo laga qabo horumar suurtagal ah,ayuu Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ku baaqay in shir ey isugu yimaadaan Golihiisa Amaanka Galabnimadii maanta oo Khamiis ah si uga wada hadlaan soo jeedinta cusub ee Xamaas ey u soo dirtay dhexdhexaadiyeyaasha Qadar iyo Masar,ayey wararku sheegayaan. Isra’iil ayaa weli aaminsan in tobanaan la haystayaal ah iney weli ku nool yihiin Gaza iyadoo dagaalku uu sii kordhaayo khasaaraha bani’adamnka ah ee ka jira dhulka burburay ee Falastiin,labada dhinac ayaa wajahaayo cadaadis caalami ah oo ku wajahan heshiiska. Madaxa Sirdoonka Isra’iil ee Mossad David Barnea ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wafdiga reer Isra’iil ee tegaayo dalka Qadar kuwaaso muddo bil ah isku dayaayey iney miiska wada xaajoodka keenaan labada dhinac,sida laga soo xigtay ilo xogogaal u ah wada hadaladda. David Barnea ayaa la filaa inuu gaaro magaaladda Dooxa ee ah caasimadda dalka Qadar maalinta berri ah ee Jimcada ah,waxa uuna halkaas kula kulmi doonaa Reysal Wasaaraha Qadar ahne Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Qadar Maxamed C/raxmaan Bin Thani.
ISHA/IRF.