QAXOOTIGA JOOGO LIIBIYA OO DALBADAY TARXIIL.
(LIIBIYA):Kumanaan qofood oo isugu jiro qaxooti iyo muhaajiriin kuna sugan dalka Liibiya ayaa isugu soo baxay iridda hore ee xarunta Qaramadda Midoobe ee magaaladda Tripoli ee dalka liibiya,isu soo baxa ayaa socdo todobaadkii seddexaad,dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinaayo in laga daad gureey dalka Liibiya halkaaso uu ka dhacay raaf ba’an oo loo gaystay dadka soo gelootiga ah waxaane dhacday in qaar iyaga ka mida eey ku dhinteen rasaas eey ku rideen ciidamadda liibiya ee ilaaliyo halka lagu xareeyo dadka soo gelootiga ah waxaane rasaastaas ku dhintay ilaa lix qofood oo ka mida dadka la rafaay mana jirto cid ilaa hadda arrintooda ka hadashay waayo hayadda qaxootiga ee qaramadda midoobay(UNHCR) ayaa isaga baxday dalka Liibiya ka dib markii eey dheceen xadgudubyada loo gaystay dadka qaxootiga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah. Inta uu socday raafka u gaarka ah soo gelootiga dalka liibiya ayaa waxaa la soo qabtay dad gaarayo shan kun(5,000)-qofood eeyna ka mid yihiin 540-dumar ah,sodon(30) ka mida dumarkaas ayaa leh UUR mana eeysan heli xanaanayntii eey u baahnaayeen,dhibaatadda ugu weyn ee ka taagan halka lagu haayo dadka qaxootiga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah ayaa ah”daryeel xumo caafimaad,Biyo la’aan,cunto la’aan iyo musqulaha oo ah kuwa baaba’asan”. XIGASHO ALAMARSAD LIBYA.