QAXOOTI REER SUURIYA AH OO LA KULMAY…

(SUURIYA):Qaxootiga reer Suuriya ah oo dib ugu soo laabanaayo dalkooda uu baabi’iyey dagaalka ayaa wajahay waxyaabo bani’aadanimadda ka baxsan oo kaga imaanaayo xukuumadda Bashaar Asad sida Jirdil,Xirid iyo Dil aan loo marin jid sharci ah sidaas waxaa sheegtay hayadda u dooda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch(HRW).Hayadda ayaa warbixinteed cinwaaan uga dhigtay hadal eey dheheen qaxootiga soo laabtay oo ah”NOLOSHEEYNA WAA SIDA DHIMASHO”Qaxootigaan reer Suuriya ayaa ka soo laabtay dalalka Suuriya la deriska ah sida Libnaan iyo Urdun.Dukumintiyo eey heshay hayadda xuquuqul insaanka u dooda ee (HRW) ayaa sheegaayo ineey jiraan qubuuro lagu aasay dad eey ku xadgudbeen ciidamadda Bashaar Asad dadkaas ayaa waxaa ka mida lixdan iyo shan(65)-qofood oo iyaga iyo qoysaskooda waxyeelo loogu gaystay gudaha dalka Suuriya intii u dhexeeysay sannadaddi 2017 ilaa 2021-ka,lixdan iyo shantaan(65)-qofood labaatan iyo kow(21) ka mida ayaa si dulmi ah loo xiray,seddex iyo toban(13)-qofoodne waa la jirdilay,shan xaaladoodna maxkamad la’aan ayaa la toogtay waa sida eey sheegtay warbixinta(HRW),sidoo kale waxaa jiro dad qaxooti reer Suuriya ah oo lagu la’ayahay gudaha dalkooda Suuriya,waxaa kaloo jira kuwo afduub ku maqan iyo kuwa si qasab ah loogu Galmood(KUFSI).XIGASHO WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

QAXOOTIGA JOOGO LIIBIYA OO DALBADAY TARXIIL.

Next
Next

AFAR ILAA SHAN CARUUR AH AYAA KU DHIMATA AMABA NAAFA KU NOQOTA YAMAN.