AFAR ILAA SHAN CARUUR AH AYAA KU DHIMATA AMABA NAAFA KU NOQOTA YAMAN.

yemen children august 2021 afp.jpeg

(YAMAN):Afhayeenka UNICEF ayaa maanta oo Talaada ah(19/10/2021)-ka sheegay in ka badan toban kun(10,000) oo caruur reer Yaman ah in la dilay amaba la dhaawacay mudadii uu socday dagaalka dalka Yaman.Sida laga soo xigtay Qaramadda Midoobay waxaa dalka Yaman lagu dilay seddex kun,afar boqol iyo konton iyo shan(3,455) caruur ah waxaane lagu dhaawacay in ka badan lix kun iyo lix boqol(6,600) kale oo caruur ah dagaalka dalka Yaman inta u dhxeeysay(15/32015)-kii ilaa (30/9/2021)-ka.Afhayeenka UNICEF James Elder ayaa warbaahinta u sheegay in tirada caruurta reer Yaman ee dhimatay amaba dhaawacantay eey tahay tiraddii ugu dhaweed ee nala siiyey eeyna nasiiyeen hayadaha caalamka kana hawlgala dalka Yaman.”Tirada cusub ayaa sheegayso in dalka Yaman eey ku dhinteen amaba eey ku nafoobeen afar ila shan caruur ah maalin kasta taasina waa ceeb xusuus mudan tan iyo markii uu isbahaysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga soo frageliyey dagaalka dalka Yaman sannadkii 2015-kii”sidaas waxaa yiri James Elder afhayeenka UNICEF.XIGASHO MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

QAXOOTI REER SUURIYA AH OO LA KULMAY…

Next
Next

WIXII SHALAY KA DHACAY MAGAALADDA BEURUUT IY SABABTA.