DHAXAL SUGAHA SACUUDIGA OO DILAY ADEERKIISA BOQOR CABDALLA.

(SACUUDI ARABIYA):Tan iyo markii uu boqorka Sacuudiga Salmaan uu la wareegay taladda dalkaas waxa ka dhacay waxyaabo aan horay uga dhicin dalkaas kuwaso uu sameeyey wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan,waxa uuna xirxiray rag fara badan oo maalqabeen u badan iyo siyaasiyiin caan ka ah dalka Sacuudiga isagoo ku eedeeyey ineey dhac ku sameeyeen hantidii qaranka mana jirto cid si cad uga hortimid oo iska dhicisay Maxamed Salmaan,taariikhdii ugu xumayd waxa eey ka raacday dilkii wariyihii u dhashay Sacuudiga ee lagu dhex dilay safaaradda Sacuudiga ee dalka Turkig sanado ka hor.

Sacad Jaabir oo horay u soo noqday taliyaha sidoonka dalka Sacuudiga ayaa waxa uu wareeysi siiyey Tv-ga CBS ee dalka Maraykanka gaar ahaan barnaamijka loo yaqaano lixdanka daqiiqo ee baxa maalinta Axada ah,Sacad ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan ugu faanay inuu isaga dilay bqorkii hore ee Sacuudiga AUN-Cabdalla dilkisana uu adeegsaday SUN laga keenay dalka Ruushka. Sacad Jaabir ayaa hadalkiisa sii raaciyey sheegayne in isaga iyo wasiirkii hore arrimaha gudaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Naa’if in Maxamed Salmaan ku yiri”Aniga ayaa dilay Boqor Cabdalla sannadkii 2014-kii si aabihiisa Salmaan uu ugu fadhiisto kursiga boqortooyadda”XIGASHO WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

65-QOFOOD OO LOO MAXKAMADEYNAAYO DAGALKII BEYRUUT.

Next
Next

QAXOOTIGA JOOGO LIIBIYA OO DALBADAY TARXIIL.