NETANYAHU OO IMAAN DOONO WASHINGTON DC.
(SAWIRKA)-BANAANBAXAYAAL MARAYKAN AH.
(WASHINGTON)-Qoysaska la haystayaasha Maraykanka ah ee lagu haysto Marinka Gaza ayaa codsaday iney la kulmaan Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu inta lagu guda jiro safarkiisa soo socdo ee Washington oo ey wehliyaan xubno ka tirsan Koongareeska ee metelaayo degmooyinkooda,sida ku qoran qoraal la helay. Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa la filaa inuu yimaado caasimadda Maraykanka ee Washington taariikhdu markeey tahay 22/7/2024-ka,waxa uuna Netanyahu goobo kala duwan kula kulmi doonaa qaar ka mid ah Qoysaska la haystayaasha Maraykanka balse Netanyahu ayaan weligii la kulmin kooxahaan Maraykanka ah oo metelaayo xubnaha Qoysaska shanta la hayste ee u dhashay Maraykanka oo weli nool,seddex la dilay iyo laba la sii daayey bishii Noofembar-2023-kii. Qoysasku waxay rajeynayaan iney adeegsadaan kulanka Netanyahu inta uu ku guda jiro booqashadiisa Washington si uu ula hadlo Koongareeska Maraykanka 24/7/24-ka si ey ugu cadaadiyaan inu horay u sii wado la haystayaasha Marinka Gaza iyo heshiiska xabad joojinta ee miiska saaran. Netanyahu ayaa sii adkeeyey dalabkiisa ku aadan xabad joojinta iyo heshiiska la haystayaal ah oo lala galo Xamaas Khamiista,xitaa iyadoo Aqalka Cad uu rajo ka muujiyey in heshisku soo dhawaado.
ISHA/AXIOS.