HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN OO QIRTAY IN …
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA DALKA YEMAN C/MALIK AL-XUUTI.
(SANA’A-YEMAN)-Hogaamiyaha Xuutiyiinta dalka Yeman C/Malika AL-Xuuti ayaa qirtay in 57-dagaalame oo ka tirsan xubnaha u dagaalama Xuutiyiinta Yeman in la dilay lana dhaawacay in ka badan 87-kale ka dib markii weeraro dhinaca cirka ah lagu qaaday goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta Yeman,weeraradda ayaa waxaa fuliyey Isbahaysiga ey Hogaamiyaan Maraykanka iyo Ingiriiska. C/Malik AL-Xuuti ayaa maanta oo Khamiis ah ku sheegay khudbadiisa todobaadlaha ah ee laga sii daayo Tv-ga taabacsan Xuutiyiinta Yeman in Isbahaysiga Maraykanka iyo Infgiriiska ey todobaadkan qaadeen ilaa sideed weerar oo ka kala dhacay Goboladda Xudeyda iyo Xaja,guud ahaan duqeymahaas ayaa gaaray ilaa 570-weerar oo isugu jira duqeyn dhinaca cirka ah iyo duqeyn dhinaca badda ah tan iyo bilawgii bishii Feberaayo ee sannadkan 2024-ka. Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yeman C/Malik AL-Xuuti ayaa intaas ku daray in ciidamadooda ey fuliyeen hawlgalo todobaadkan eyna adeegsadeen 10-Gentaal Balastika ah iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha wedin. Ka dib markii uu dhacay weerarkii Xamaas 7-Oktoobar 2023-kii,kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa bilaabay weeraro isdaba joog ah oo ka dhan ah Maraakiibta Ganacsiga ee marta badaha Badda Cas iyo Badda Carabta taaso keentay in dalka Maraykanka uu sameeyo Isbahaysi ilaaliya marin haweedka caalamiga ah,kaaso bilaabay dhawr weerar. Duulaan badan ey Isbahaysigu ku qaadeen goobo badan ey Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yeman ayaa ujeedkoodu ahaay in la dhimo amaba la baabi’iyo awooda dagaalamayaasha Xuutiyiinta dalka Yeman. Dalka Yeman ayaa hadda waxaa ka dhisan laba Xukuumadood oo kala fadhiya magaalooyinka Sanca oo ey xukumaan Xuutiyiinta iyo Cadan oo ey Xukunto Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay,shacabka Yeman oo intiisa badan ah beeraleey ayaa dhibaato xoogan waxa ey ku qabaan kooxda Xuutiyiinta oo maamulo inta badan Waqooyiga dalka Yeman eyna ku jirto Caasimadda Jahmhuuriyadda Yeman ee Sanca,halka Koonfurta ey yihiin dad Kallumeysata iyo Beeraleey ah welina haysto nidaam dawladeed oo kala haga shacabka reer Koonfureedka,magaaladda Cadan ayaa gudaha dalka Yeman looga yaqaan Magaaladdii Ganacsiga waayo waxaa ku taalo Dekedda weyn oo wax walba lagala soo dejin karo,waane Caasimadda labaad ee dalka Yeman.
ISHA/YEMAN.